XAAJI AADAN AXMED AFQALOOC.
((Oday waaya aragaan ahoo, ayni weyn jiraye Markaad ood-kabood tahay tashigu waa in kaa maqane. Wixii dana abwaanaa gartee, innamo waa mooge. Inaan anigu idin waaniyaa waa amuur xaq ahe, Ardayahay aqoonsada cilmiga aafo waa jahale))
Taariikhda gabyaagaa
Saadan axmed afqalooc. Waa gabyaa can ah, wuxuuna ku dhashay magaalda ceerigaabo 1862kii, oo ka tirsan gobalka sanaag magaaladiisa xaajigu yaraantiisa ayuu quraanka dhammeeyey, wuxuuna isaga oo weli gaban ah bartay naxwaha iyo afka carabiga. Xaaji Aadan yaraantiisa waxkasta oo uu maglo wuu xafidi jirey. kutubka suugaanta carabta ee jaahiliga ayuu aad u akhrin jirey. wuxuu ahaa gabyaa ereyo fudud, gabayda ammaanta ah xaajigu waa ku yaraa, arrimaha bulshadda, baraarujinta iyo sifaalaha dabeecadeed ayuu caan ku ahaa Xaaji Aadan waa gabyaagii ugu cimriga dheeraa wuxuuna gaaray da'da 115 sanno. Xaaji aadan markii uu soddon jir ahaa ayuu ka tagey soomaaliya, wuxuuna ka maqnaa dalka muddo konton sanno ah oo uu joogay dalalka carabta. Halkaa oo uu wax ka baranayey, ganacsina kaga jirey. Muddo ayuu dawladda u u shaqeeyey. Xaaji aadan markii uu dalka ku soo noqday sannadkii 1943kii ayuu bilaabay gabay tirinta xoogeeda, xaajigu gabaydiisu waxay leeyihiin dadweyne badan oo jecel taageerana, waxaana inta badan gabaydiisa lagala socon jirey idaacadaha. Xaaji aadan waxa uu geeriyooday dhawr iyo sideetankii, wuxuuna ku geeriyooday magaaladii uu ku dhashay ee ceerigaabo. Xaajigu gabayadiisa waxa uu kaga hadlaa maamulka dawladda, iskaashiga iyo horumarka aduunyada kale.
1) WAXAA NA DILEY
Gabaygan oo uu tiriyey Xaaji Aadan Afaloody gabayo badan Gabayganugu soo qaadateen, wuxuu tilausagoras ficanu koobayaa maamulkii dawdladihii hore. Xaajigu isagoo dawladahas la bay inay si toos ah u wadaan maamulkii lagu aaminay ayuu had iyo jeer gabayo ku tilmaami jiray ama ku cambaarayn jiray, gabaygan co gabayadaas ka mid ah wuxuu ku yiri;-
1. Afkaa laga maqlaa maaddadiyo, ereyga qaanuune
2. Faqii guriga lagu soo ebeyey, ka akhriyaan koore
3. Aqoon laawe laaluush cuniyo, aafo daba gaab ah,
4. iyo oday ergo ah baa shariga, dila abidkoode,
5. Eexdiyo rishwadu waxay dhalaan, uurxumiyo ciile
6. Aanaduna cadliga laga tagay, aabaheed tahaye,
7.Aargoosigiisiyo dulmigu, waa isu adeere,
8. Marka xaqa la awdaa tolnimo loo abtiriyaaye,
9. Haddii uu insaaf jiro qabiil, lama ogaadeene,
10. Kolkuu oday durbaanka u tumuu, inan ciyaaraaye,
11. Wax ka dhigan mas'uul edeb la'oo, lagu ilqaadaaye
12. Dadku kuma aqbalo qalad hadday, kugu arkaayaane,
13. Adna iinta inaad dhowrataad, ku arin waydaaye,
14. Wax na dilay xaqoo aasniyo, iib dacaawiyaha 15. Wax na dilay danuub anad ogeyn, aanadeed bixiye,
16. Wax na dilay annaaniyad iyo, ab laan sheege,
17. Wax na dilay albaabada dantaan, uunka loo furine
18. Wax na dilay halkaad ku agbaneyd, kongo ku abuure
19. Wax na dilay Ismaqal li'ida aan, lays addeeceyne
20. Wax na dilay istaafka iyo tijaartoo iskaashada e, .
21. Wax na dilay araajida la qoro, imad la'aanteedeede
22. Wax na dilay ujrada kuuligaan, abid la siinayne abyi lahaaye,
23. Wax na dilay u sheekay midkii hawl
24.Wax na dilay amuur waajib aad, kaga baqdaa eede
25. Wax na dilay iskuullada la baro, inanka qaad keede
26. Wax na dilay akhlaaq xumo mas'uul aabaheed yahaye,
27. Wax na dilay dadkoo la xaqiriyo, gaal isu ekeyne
28. Wax na dilay faqiir eed nin kale, lagu ijbaaraaye,
29. Wax na dilay rag amarkii sinnaan, iniq is dheereyne
30. Wax na dilay acyaan aan xilkii, fulin awoodeyne
31. Wax na dilay ajnabi taladayada, lagula eertaaye
32. Wax na dilay adeege u ahow, kaad amri laheyde
33. Wax na dilay adduun nin raboon, eegahayn sharafe
34. Wax na dilay ummaddaan qaddarin aadmiga nahaye
35. Wax na dilay ismiga calanka oo lagu ugaartaaye
36. Wax na dilay af been ah oo aan runtii waana la arkayne
37. Wax na dilay aqoontada ood, eed ku mudataaye
38. Wax na dilay Idaarada aan, shaqo awoodayne
39. Wax na dilay Islaax caam dan qura, lagu ilaawaaye
40. Wax na dilay ninkii maah-maah yiri uubta loo qodo e,
41. Wax na dilay iflaas aan baxayn abad xayaadkeede
42. Wax na dilay adduunkoo nin lagu aaminaa dhaco e
43. Wax na dilay ninba intuu hayuu daar ka iibsade 44. Wax na dilay iska soo horjeedintay, shicibku eedeene
45. Wax na dilay asbaab temeshle qarab, madaxdu aadaaye
46. Wax na dilay icaanada badhaan, lagu intifaacayne
47. Wax na dilay uluuf cagafta oo, ay cidlo ah yaalo
48. Wax na dilay iblayskiyo abriskan, cidina eegeyne
49. Wax na dilay dantoo lagu akhiro yuu, caroon odaye
50. Wax na dilay qallooca aan wato e, adiga waa kiise
51. Wax na dilay innaga reer fulaan, laynaga adkaaye
52. Wax na dilay inkaar tacasubay, nagu abuureene
53. Wax na dilay idaacaa kadib ah, iyo dhaarta iibka ahe
54. Wax na dilay afka iyo dhaqanka oo la inkiraayaaye
55. Wax na dilay islaannimada oo aan, la tixgelinayne
56. Wax na dilay amwaashiga bukaan, loo ixsaan faline
57. Wax na dilay anashinalahoo, qoday adduunkiye,
58. Wax na dilay abita bahan aqoon, nolosha insanae,
59. Wax na dilay addoon dallimoo, lagu ismaa awe,
60. Wax na dilay iblays fooxle yiri, awliyaan ahaye,
FADLAN fikirkaaga ka dhiibo