Gabaygan Waxaa tiriyey Xaaji Aadan Axmed (Afqalooc) wuxuuna ku guubaabinayaa Soomaalida inay isticmaarka la diriraan oo dhulkooda ka kiciyaan. Wuxuu yiri:
1. Wax badan baan Ilaahoow lahaa noo iftimi nuure,
2. Wax badan baan alaylkoo badh tegay aad u daakiraye 3. Wax badan baan albaabada tumay oo soo ordooy idhiye
4. Wax badan baan sidii igadhka geel ololay xeeshaye.
5. Arnab baan libaax moodo iyo aar habeen guda e
6. Ulo iyo qodxaan moodayaa awlax iyo seefe
7. Indho bururay baan doonayaa inay aslaaxaane
8. Dhego awdmay baan maqal rabaa inay ajiibaane
9. Aami baan tiriigga u sidaa waanuse arkayne.
10. Aboorkuba alaylkuu dhisaa aqallo waaweyne
11. Markuu ururo daartuu abyey baa la ashqaraaraaye.
12. Uli Muusa line isku xidhay aragti waagiiye
13. lyaguba talyoo idil miday kaga adkaadeene
14. Ilko wadajirkooday hilbaha adag ku gooyaane
15. Haddii iniba meel taagan tahay adhax ma feenteene.
16. Itifaaq la'aan looma helo lib iyo iimaane
17. Indhahay isku aragtaan cadaaga kaa iskaga eega
18. Ha ordina e xaajada sidii aadinta u raaca
19. Ha ekaanina e talo ninkii odhan karuu dhiibta.
20. Abtirsiino reer hebel ahiyo oday ku-faan tuura
21. Indho fura hurdadu waa waxaad ku ibtiloowdeene
22. Allabariga reerkaaga waa laga asiibaaye
23. Orgigood qasho baa wankuna ku ogaadaaye
24. Markuu weysha gawrac u aslay buu eegay dibigiiye
25. Arag buu ku yidhi waxa xigaa adiga weeyaane 26. Ninkaan gurigu aammin u ahayn eegi waa dibade
27. Goortaad afqaadkiyo dishaan eyga daba jooga.
95
28. Isticmaarka maantaa jihad ugu alab qaada
29. Aanada raggii idinka waday eebo kaga goosta
30. Ardal baa gacmaha soo wadhfa e anafo weyn yeesha
31. Hana is odhan aarmiga ka baqa aaladdiyo xoogga
32. limaan haddii aad leedahoo aad u dirirayso
33. Ushaad haysataan iyo madfucu waa isku itaale
34. Axadkii kastaba waa naf qudha wuxu ilaashaaye
35. Aarkaba kaneecaa cuntoo ay la jiifsadaye
36. Ishaarada cad baa lagu helaa aayad kaa magane
37. Ololaha ha daynina xornimo aammus lagu waaye.