QISO JACEYL-UBAX IYO YAASIR. (QAYBTII 1aad ).

gawaan
2 minute read
0

 


UBAX IYO YAASIR. (QAYBTII 1aad )


Waa bartamaha bisha April, xilligu dhulku waa barwaaqo oo meel walba cagaar baa qariyay iyo xareed galac leh oo godan kasta jiifta.
Waa duni qurux badan saacaddan iyo goobtan, Ubax iyo Yaasir waxay galabta fadhiyaan goob ay u yimaadeen iney caffe ka cabbaan, waxay daawanayaan TVga goobta laga leeyahay oo ka socda musalsal jaceyl oo turki ah.
Waxaa dhaceysa hawo yar oo qabow oo kolba dhinac u babinaysa timaha Ubax , oo marba indhaha iyo afka ka galeysa taas oo Yaasirna marba kor ugu qaadayo timaha wejigeeda isagoo diidan in ay ka qariyaan indhaheeda uu aadka jecel yahay, waxay isku daawanayaan sidii laba qof oo aan waayo badan kulmin wax badana sii wada joogeynin .
Laabta ayay isaga jiraan oo waxay iska dugaashanayaan dhaxanta jirta, dhanka kalena waxaad moodaa in kulayl gudahooda ka baxaaya ay hab siintoodu qaboojineyso oo inyarna isma sii deynayaan. Dhinaca kalena Cimiladan magaalada oo ay ku cusub yihiin iyo caynada deegaanka ayay la ashqaraarsan yihiin.

Yaasir oo ku dhegan gacalisadiisa Ubax ayaa si kedis ah u waydiiyay "Horta gacaliso ma haboon tahay ineynu dib u xusuusano waayihii iyo wacdarihii aynu ka soo marnay jacaylkeena?", Ubax  oo warka gacaliyaheeda xiiseyneesa ayaa ku hal-celisay "Haa gacaliye, ma jirto meel kaga qurux badan iyo maalin ka qiimo badan oo aynu dib u Milicsan laheyn qisadii Nolosheena".
Halkaana waxa ka bilaabmay xusuus dheer oo ku saabsan waayihii noloshooda. Dabadeed waxa ay maskaxdoodu jartay Xawaare dheer oo dib u noqosho ah.
Saddex sanno ka hor bishii julay oo lagu jiro fasaxi xagaaga, ayay Ubax  iyo Yaasir  is barteen, is barashadooda malaha waxa sabab u ahaa, waxay ahaayeen isku Hiwaayad, labadooduba waxay si tabaruc ah uga shaqeyn jireen arrimaha bulshada oo ay isku xil-qaameen.

Ilyaas wuxuu ahaa suxufi u adeega dadka danyarta ah oo codkiisa ugu hiiliya, halka Amranna ay ahayd gabar wax ka qorta tacadiyada bini'aadantimada ka dhanka ah, sida: Kufsiga, Waxbarasho la'aanta, iwm.

Lasoco qaybta 2aad 👏

Like 👍 iyo sharetu waxay ka tarjumeysaa waan wada rabnaa🤔
fadlan haddaa dooneysaan qeybaha kale love like and share dheh🌷🌷


Tags

Post a Comment

0Comments

Post a Comment (0)